Qoysaska: Barnaamij laga bilaabo 2 ilaa 10 sano
Akhriska Express
Ma jeclaan lahayd in ilmahaagu barto erayo badan? Oo ma wada raaxaystaan? Carruurta da’doodu u dhaxayso 2 iyo 10 jir, waxaa jira VoorleesExpress.
Akhrisku waa waxbarasho iyo madadaalo! Waxay u shaqeysaa sidatan: Tabarucaha JES ayaa gurigaaga yimaada asbuucii hal mar (gur ahaan 20 jeer). Tabarucuhu wuxuu kula akhriyi doonaa ilmahaaga. Waxaad heli doontaa tilmaamo aad wax badan u akhrido oo aad u fiirsato luqadda!
Waxaad ka qayb qaadan kartaa VoorleesExpress haddii aad ku nooshahay: Leiden, Leiderdorp ama Katwijk.



Petra Jansen (Reading Express Katwijk)



